Itoobiya oo sheegtay inaysan diyaar u aheyn in ay hawlgal millatari ka sameeyso gobolka Tigrey.

55

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Redwan Xuseen ayaa sheegay in dowladda Itoobiya aysan daneyneynin in ay gobolka Tigray ka bilowdo howlgal si ay u baacsadaan kooxda TPLF .

Mr Redwan oo sharaxaad ka bixinayay xaalada Itoobiya ka jirta ayaa u sheegay safiirada fadhigoodu yahay magaalada Addis Ababa in ciidamada TPLF aysan si nabad ah uga bixin goobihii ay haysteen balse ay jab wayn la kulmeen.

Si kastaba ha ahaatee, dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in aanay doonayn in ay hawlgal millatari oo ballaaran ka sameeyaan magaalooyiinka gobolka Tigrey.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladdu ay gudan doonto waajibaadkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada dalka, isla markaana ay xaq u leedahay in ciidamo federaal ah la geeyo dhammaan gobollada dalka oo uu ku jiro gobolka Tigrey.

Danjire Redwan oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay dublamaasiyiinta ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay baaqii todobaadkii hore ay Qaramada Midoobay soo saartay oo ahaa in la dhiso hay’ad dhanka xuquuqda aadanaha.

Danjire Redwan oo sharaxayay sida ay uga soo horjeedaan baaritaanka hordhaca ah ayaa mar kale ku celiyay sida dalkiisu uga soo horjeedo go’aankaas, isagoo yiri “wax la aqbali karo ma aha, Itoobiyana wax wada shaqayn ah lama yeelan doonto kooxdaas”.