Galmudug oo howlgallo ay ka sameysay Gaalkacyo ku soo qabtay waxyaabaha maanka-dooriyo iyo Hub.

25

Saraakiisha Ciidamada nabad sugida Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta soo bandhigay hub iyo qamri, kaas oo ay ciidamadu ku soo qabteen howlgallo ay Ka sameyeen degmada Gaalkacyo.

.Taliye Ku xigeenka qeebta booliiska Gobalka Mudug Gaashaanle Maxamed Mire ayaa ka warbixiyay hubka iyo maan dooriyaha ay ciidamadu soo qabteen “hubkan iyo qamradaan aad u jeedaan waxaa lagu sooqabtay howlgalkii baryahaan ka socday degmada Gaalkacyo sidaad u jeedaanba hub kaas waa hubii sharci darada ahaa ee aan amarka ka bixinay oo aan Ka dignay oo amni darada dadka caadeestay ay ku dhex wateen degmada ” ayuu yiri Gaashaanle Maxamed Mire.

Duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale oo isna goob joog ka ahaa ayaa u mahadceliyay Ciidamada Booliiska ah ee howlgalka fuliyay, isagoona dhanka kale bulshada degmada Gaalkacyo kula dar daarmay in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka si loogu Guuleeso amaanka degmada.