Booliska oo faah faahiyay Kiis ka dhacay Garoonka Aadan-Cadde

62

Taliska Ciidamada  Booliska  Soomaaliyeee ayaa ka warbixiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo weerartay shaqaale ka tirsan shirkada diyaaradaha Turkish Airlines, falkaas oo shalay ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdosho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in shalay markii Garoonka ay timid Diyaarada Turkish Airlines uu is afagarad-waa soo kala dhexgalay duuliyeyaasha Diyaaradda iyo qaar kamid ah rakaabkii saarnaa , balse ay ku baxeen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho waxaa uu sheegay in Gudaha diyaarada ay ku dagaalameen qaar duuliyeyaasha Diyaaradda iyo Rakaabka, isla markaana uu dhaawac kasoo gaaray mid kamid ah duuliyeyaashaa diyaarada, kaas oo ay geeyeen mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho xaaladiisa Caafimaadna ay wanaagsan tahay.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in qaar kamid ah raggii Rakaabka ahaa ee diyaaradda ku dhex dagaalamay una gacan qaaday mid kamid ah Shaqaalaha diyaaradda Turkish Airlines ay ku xiran yihiin Xarunta Hay’adda Dambi baarista ee CID-da.