Isfaham waa weli ka taagan in xal laga gaaro xiisada ka taagan Boosaaso

26

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in weli aan xal laga gaarin xiisada ka taagan magaaladaasi ee u dhexeysa Agaasimihii hore ee Taliska PSF iyo Maamulka Puntland, iyadoona weli  ay taagan tahay Isfaham waa ku aadan xalinta arintaasi.

Siyaasiyiin iyo odayaasha dhaqanka  ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiinta is-haya, balse ma jiro illaa iyo hadda wax natiijo ah oo kasoo baxay wada-hadallada oo lagu ballamay inay sii socdaan.

Xiisaddan ayaa kasii dartay, kadib markii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni  uu ku gacan seeray go’aankii ay soo saareen isimada Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa xal ka gaarida xaaladda ka taagan magaalada Boosaaso oo ka dhalatay xilka qaadista bishii lasoo dhaafay lagu sameeyey agaasimaha taliska PSF-ta Puntland General Maxamuud Cismaan Diyaano

Lama oga halka ay ku dhammaan doonto xiisadda ka taagan Magaalada Boosaaso, waxaana labada garab ee is haya ay weli dhaq-dhaqaaq ka wadaan magaalada Boosaaso,