Xaalada Boosaaso oo saakay degan.

55

Waxaa saakay degan xaalada Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kadib markii xalay dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo xiisad dagaal laga dareemayay magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dadkii deganaa nawaaxiga Xarumaha madaxtooytada iyo Taliska PSF ee Magaalada Boosaaso waa ay ka guureen, hayeeshee waxaa keliya la arkayaa ciidamo ka wada tirsan Puntland oo halkaasi ay ku sugan yihiin.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Maamulka Puntland lagu diiday go’aankii  ka soo yeeray qaar ka tirsan odayaasha dhaqanka ee maamulka  Puntland, waxaana arrintaasi ay keentay cabsi laga qabo in maamulka  Puntland xiisadda taagan ay xaliyaan awood ciidan.

Lama oga sida ay ku dambeyn doonto xaalada Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.