Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka oo dib u dhigay baarista Kursigii uu kusoo baxay Yaasiin Fareey.

79

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban, qoraal kasoo baxay ayaa lagu hakiyay ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah kursi lamberkiisu yahay HOPHO67 ee uu ku soo baxay  28/11/2021Agaasimihii Kumeel gaarka ahaa ee NISA Yaasiin Fareey.

Guddiga ayaa qoraalkoodu ku xusay in uu dacwad Kursigaas la xiriirta ay usoo gudbiyeen Guddiga  gudbiyay  Musharixiinta kala ah Axmed Cabdikarim Cali, Nabadoon Cali Xassan Cali (Cali Jeesto) iyo Guddiga Maamulka Doorashada ee Galmudug (GMDG), isla markaana ay fulinayaan Habraacii 1da Oktoober ee lagu dhisay guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada.

Guddiga ayaa waxuu sheegay in xaq u leeyahay in uu baaritaan ku sameeyo dacwad kasta, dhagaysto dhinacyada ay
dacwadu taabanayso iyo inuu hubiyo cadaymaha la aruuriyay si loo helo xog dhamaystiran oo lagu go’aan qaadan karo.