DFS iyo AMISOM oo wada hadlay Qorshaha Amniga dalka loogu wareejinayo Ciidamada Soomaalida

51

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidamada AMISOM, Janaraal Diomede Ndegeya, iyaga oo ka wada hadlay waajibaadka shaqo ee ciidamada AMISOM.

Intii uu kulanku socdey waxaa diiradda lagu saaray sidii loo hirgelin lahaa qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso sugidda amnigeeda Qaran, iyada oo qorshaha kala-guurka lagu salaynayo heshiisyadii hore loo gaarey iyo waaqica jira, maadaama waajibaadka shaqo ee ciidammada AMISOM uu ku egyahay bishan December.

Sidoo kale, Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ka wada hadlay qaabka ay isu la falgeli lahaayeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeeed iyo kuwa AMISOM iyada oo mar walba masuuliyadda jihaynta ay leeyihiin Soomaalidu.