Cumar Cabdirashiid iyo Prof Jawaari oo ku biiray shir u socda Musharixiinta Mucaaradka.

26

Magaalada muqdisho gaar ahaan Hotel Jasiira waxaa shir xasaasi ah uu ugu socdaa midowga Musharrixiinta, kuwaas oo diidan Hanaanka doorashada ay ku bilaabatay.

Shirka waxaa looga arrinsanayaa xaaladda guud ee dalka iyo Doorashada Golaha Shacabka oo qaar ka mid ah Maamul Goboleydyada dalka ka bilaabatay iyo muqdisho, Inkastoo ay hadda u muuqato mid uu hakad ku yimid, maadama si weyn loogu soo horjeestay qaabka ay ku bilaabatay.

Sidoo kale, shirkaan waxaa ka qeyb galaya oo gadaal kaga soo biiray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari iyo Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Xog ay heshay KNN ayaa tibaaxeysa in shirka madaxdaas lagu laga gurayo sidii loo dhisilahaa gole Cusub oo loo dhan yahay, kaas oo marxalada doorasho ee dalka wax ka badali kara.

Saamileyda Siyaasada oo ay ka mid yihiin Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa so weyn ugu soo horjeestay sida doorashada Aqalka Hoose ugu bilaabatay Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed, iyagoo ku tilmaamay mid boob Qaran ah islamarkaana ay ka walaacsan yihiin sida wax loo wado.