Xubno ka socda DFS & dowlad Goboleedyada oo shir uga furmay Kismaayo

24

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa maanta ka furtay Magaalada Kismaayo shirka wadatashiga Wasaaradaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Shirka oo ah kii sadexaad ayaa doorkan diiradda lagu saari doonaa adeegyada aas aasiga ah ee Caafimaadka iyo sidoo kale saamaynta uu yeeshay cudurka Corona Virus.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa shirka ka jeedisay warbixin la xiriirta saameynta uu Soomaaliya ku yeeshay cudurka iyo sida ay ula tacaashay wasaaradda.

Wasiir Fowsiya ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixisay waxyaabaha looga hadlayo shirka, iyada oo sheegtay in Maamulka Jubbaland uu kujiro xaalad deg deg ah.

Qaar kamid ah Wasiirada Caafimaadka dowlad Goboleedyada ayaa dhankooda shirka ka jeediyay warbixino ku saabsan baahiyaha Caafimaad ee kahira degaannadooda iyo saameynta uu ku yeeshay cudurka COVID-19.

Geba-gabada Shirka u dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Wasiirada Maamul Goboleedyada ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed kusaabsan waxyaabihii ay shirka uga hadleen.