Maxey ka wada hadleen Cali Guudlaawe iyo Duubabka dhaqanka ee Hir-shabeelle?

61

-Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Hir-shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qaar kamid ah duubabka dhaqanka Hirshabeelle.

Madaxweynaha iyo duubabka dhaqanka ayaa kulanka iska xog waraystay xaaladaha guud ee deegaanada Hir-shabeelle gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay duubabka doorkii ay ku lahaayeen dhismihii Dowladda Hir-shabeelle iyo dowlad dhiskii Soomaaliya, isagoo u sheegay inay door muuqda ku yeelan doonaan doorashada Golaha Shacabka oo si daah furan uga qabsoomi doonta Hir-shabeelle.