Hay’adda PSF ta oo soo bandhigtay Ciidamo ka soo goostay Daraawiishta Puntland.

25

Hay’adda PSF ta ayaa magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa ay kusoo bandhigtay Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland, kuwaas oo sheegay in ay ka soo goosteen Dowlad Goboleedka Puntland.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka soo goostay oo warbaahinta kula hadlay xarunta hay’adda PSF ayaa sheegay in ay yihiin 86 askari oo kamid ahaa Daraawiishta Puntland. Isagoo xusay in ay PSF ku biireen, kadib markii ay garowsadeen in aysan xabad ku ridin saaxiibadooda.

Sidoo kale, dhan kooda Saraakiisha Ciidamada PSF ee soo dhaweeyay ciidamada kaga yimid dhanka Puntland ayaa waxey sheegeen in aysan diyaar u aheyn inay dagaal la galaan Ciidamada kale ee Puntland, kuwaa oo ay hal cadaw leeyihiin, isla markaana ay soo dhaweeynayaan Ciidamo kasta oo dhankooda soo aada.

Talaabadaan ayaa imaaneysa, saacado uun kadib markii Puntland ay sheegtay in Hay,adda PSF ta ay u kala jabtay labo garab islamarkaana ciidamo ka tirsan PSF ta ay soo aadeen dhinaca Agaasimaha Cusub ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni Amiin Xaaji Khayr.