Midowga Musharixiinta oo wada kulamo looga hadlayo Doorshada Golaha Shacabka

56

:Golaha midowga Musharixiinta Mucaaradka  ayaa lagu wadaa in Todobaadka soo socda  ay kulan la yeeshaan  qeybaha kala duwan ee Bulshada, sida Odoyaasha Dhaqanka, ururada bulshada Rayidka iyo Haweenka.

Musharixiinta ayaa lagu wadaa in ay qeybaha kala duwan ee Bulshada la wadaagaan walaaca ay ka qabaan sida ay ku billaabadatay Doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo xiligan la sheegay inay ku bilaabatay boob iyo musuq maasuq xoog leh.

Midowga mushirixiinta  ayaa si weyn u diidan qaabka ay ku socoto  Doorashada Golaha Shacabka, ee baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya ayaa xiligan waxaa hareeyay cabasho laga muujinayaan qaar ka mid ah musharixiinta u tartamaysa kuraasta golaha shacabka ee BFS.