Farmaajo Oo Mushaarkiisa Ugu Deeqay Gurmadka Abaaraha Ka Jira Dalka

41

Madaxweynaha somalia  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Caawa shaaciyay inuu Mushaarkiisa ugu deeqay Gurmadka abaaraha darran ee xiligaan ka jira Gobolada dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo ka damqanaya xaaladda dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay saameeyeen uu dhiirri gelinayo in la garab istaago dadka tabaalaysan ee waxyeelladu ay ka soo gaartay abaaraha jira.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qaybo badan oo dalka ka mid ah ay  ku habsadeen Abaaro ba’an oo galaaftay naf iyo maal ba, sababayna xaalad bini-aadannimo oo degdeg ah, isaga oo faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay si mug leh ugu istaagaan ka jawaabidda xaaladdaas adag ee ay ku sugan yihiin gobollo badan oo ka tirsan Dalka.

Madaxtooyadda ayaa sheegtay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu deeqay Mushaharkiisa Madaxweynenimo ee Bilaha Nofeembar iyo Diseembar howlaha gurmadka dadka Soomaaliyeed ee la dhibaataysan Abaaraha ka jira Gobolada dalka.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay u istaagaan samatabixinta walaalaha dhibaataysan, iyada oo aan ku dhiirri-gelinayno Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda iyo kuwa gaarka ahba in ay door ka qaataan howlaha gurmadka” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda.

Farmaajo oo bogaadiyey abaabulka xooggan ee Golaha Xukuumaddu ay bilaabeen si wax looga qabto dhibaatada ay sababeen Abaaruhu, ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samatabixinta walaalaha dhibaataysan, wuxuuna ka codsaday dhammaan shaqaalaha Rayidka ah iyo kuwa gaarka ahba in ay qaataan door la mid ah kii ay Golaha Xukuumaddu 20% ugu jareen Mushaharkooda gurmadka Abaaraha.

Si kastaba Gobolada dalka ayaa waxaa ka jira abaaro baahsan iyo biyo la’aan oo saameeyay dadka iyo duuniyada, iyadoona abaarta ay dad ugu geeriyoodeen Gobolka Gedo, waxaana sidoo kale abaarta ku le’day xoolo farabadan oo ay lahaayeen dad xoolo dhaqato ah…