Midowga Musharixiinta oo kahor yimid doorashada Aqalka Hoose ee dalka ka bilaabatay.

46

Magaalada Muqdisho waxaa kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021-2022, kuwaas oo kulankooda kasoo saaray war ku aadan Doorashada Golaha Shacabka ee BFS ee ka socota Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Waxaa kulanka Golaha Shir gudddoon ka ahaa Madaxwenihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa looga hadlay Cabashooyinka iyo walaaca laga qabo doorashooyinka socda qaarkood, kuwaas oo qaarkood boob lagu hayo.

Kadib markii uu kulankooda uu soo dhammaaday, waxaa warbaahinta ugu warbixiyay Afhayeenka Midowga Musharrixiinta Daahir Maxamuud Geelle, isagoo tilmaamay in muddo ah in ay raadinayeen in dalka ay laga qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo watigeeda ku dhacda , balse ay ku guuldareysteen hoggaanka Villa Soomaaliya ee lagu aaminay dalka,

Afhayeenka Golaha Midowga Musharrixiinta Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay rabaan in bulshada Soomaaliyeed iyo aduunka intiisa kale ay la wadagaan islamarkaana sida ay ilaa hadda wax ku socdaan ay ka dhalan karaan bur bur baahsan oo dalka Soomaaliya ku habsada.

“Waxaa rabnaa in bulshada Soomaaliyeed iyo aduunka intiisa kale la wadaagno waxaa si buuxda ugu qanacsanahay sida ay ilaa hadda wax ku socdaan waxa ka dhalan kara ay tahay bur bur baahsan oo dalka Soomaaliya ku habsada, oo aan rabin in uu dhaco anaga oo nool oo wax ka qaban karo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in doorasho boobka ku bilaabatay ay dalka meel xun gaarsiinayo, islamarkaana aysan marnaba aqbali doonin oo ay uga gudbi doonaan hanaan midkaan ka gedisan, sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka.