Shiikh Shariif oo baaq u diray Madaxda D/Federaalka iyo kuwa D/Gobolleedyada

34

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa walaac ka muujiyay sida ay ku billaabatay Doorashada Golaha Shacabka, isaga oo ka digay muran ku aadan heshiiskii 17-septembar ee Madaxda Soomaalida hore u gaareen.

War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu kaga hadlay xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka, isaga oo sheegay in ay jiraan cabasho ay qabaan qaar kamid ah tartameyaasha.

“Waxaan walaac ka muujinayaa sida ay u bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, waxaa jira cabashooyin ku aadan hannaanka doorashada loo maarnulayo, waxayna keeni kartaa inuu muran ka dhaco natiijada doorashada Golaha Shacabka haddaan la ilaalin daah furnaanta doorashada iyo habraacyadii lagu heshiiyay 17 Sep 2020 iyo 27 May 2021” ayuu yiri Shiikh Sariif.

Sheekh Shariif ayaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedyada ugu baaqay in inay xalliyaan tabashooyinka soo baxaya iyo walaaca laga muujinayo hannaanka loo maamulayo doorashada.

“Waxaan ugu baaqayaa Guddiyada Doorashada heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo gudciiga xallinta khilaafaadka doorashada inay dhaqan-geliyaan habraacyadii iyo hannaankii lagu heshiiyay ee doorashada Golaha shacabka, waxaana ku boorrinayaa inay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara eex iyo musuqmaasuq, taasoo dhaawici karts natiijada doorashada iyo geedi.dhiska dowladnimada” ayuu yiri Shiikh Shariif.