Wasiirkii Arrimaha Dibadda oo sheegay in uu toddobaad ka hor uu gudbiyay is-casilaadiisa

35

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq oo ka hadlay xilka qaadistii uu ku sameeyay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in uu aad ula yaabay.

Wasiirka oo qoraal kooban ku daabacay boggiisa Twitter ayaa sheegay in uu toddobaad ka hor gudbiyay warqadiisa is-casilaada, isla markaasna uu sugayay jawaabta ra’iisul wasaaraha.

“Xilka qaadista la igu sameeyay aad ayaan ula yaabay, waxayna daba socotaa is-casilaad aan gudbiyay toddobaad ka hor. Waan ka hadli doona arrimaasi, waxaan ii ahayd farxad inaan u adeego qaranka Soomaaliyeed, dabcan wasiirka la igu badlay waxaan u rajeynayaa wanaag” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq.