RW Rooble Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibadda Kuwo Kalena Isku Bedelay

42

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda loogu magacaabay inuu noqdo Cabdisaciid Muuse Cali, isagoo bedelaya Wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Rooble ayaa waxaa kaloo xilka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda u magacaabay Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos), waxaana la faray labada Mas’uul cusub ee la magacaabay inay shaqadooda gutaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah:

Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni)  oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska.

Xilka qaadista Wasiirkii Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ku aaday, iyada uu Wasiirka Wareysi uu uga hadlay Arrimo badan oo diblomaasiyadeed siiyay Telefashinka Dalsan, lana baahiyay Wareysigaas maalintii shalay aheyd.