Madaxweyne Deni Oo Isbedel Ku Sameeyay Dhammaan Hoggaamada Booliska Puntland

31

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Isbedel ku sameeyay dhammaan hoggaamada kala duwan ee Ciidanka Booliska Maamulka Puntland, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Taliyeyaasha Nabadgalyada Wadooyinka, Hogaanka Hawlaha, Maaliyada iyo Saadka Booliska, baarista Danbiyada (CID) iyo Kaaliyaha Xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska.

Hoos ka Akhriso Magacyada hoggaamada Ciidanka Booliska ee la magacaabay.

1-G/Sare Cabdiqani Saciid Saleeban waxaa loo magacaabay Taliyaha Qaybta Nabadgalyada Waddooyinka ee Ciidanka Booliska.

2: G/sare Maxamuud Faarax Maxamed waxaa loo magacaabay hogaanka Hawlaha ee Ciidanka Booliska.3:G/sare Cabdi Yuusuf Muuse loo magacaabay Hogaanka  Maaliyada iyo Saadka Booliska.

4: G/Sare Axmed Cabdi Nuur loo magacaabay Taliye ku xigeenka Hogaanka Saadka iyo Maaliyada Ciidanka Booliska.

5: G/sare  Maxamed Cabdi Axmed loo magacaabay Hogaanka Tababarada Ciidanka Booliska Puntland

6: G/sare Ayaan Cabdulle Qarbe loo magacaabay Hogaanka xirirka Dadwaynaha iyo Xuquuqul inslaan Ciidanka Booliska

7: G/sare Aadan Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku xigeenka 1aad ee Hogaanka baarista Danbiyada (CID) Ciidanka Booliska

8: G/sare Abshir Xuseen Siciid  loo magacaabay Taliye ku xigeenka 2aad Hogaanka Baarista Danbiyada (CID) Ciidanka Booliska.

9: G/dhexe Cabdifataax Cabdulqaadir Axmed loo magacaabay Hogaanka Ciidanka Booliska

10: G/sare Axmed Cabdi Sugulle waxaa loo magacaabay Kaaliyaha Xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska.