Rooble iyo Qoorqoor oo shir gudoomiyay Shirka golaha wasiirada

14

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada Galmudug iyo Wasiirrada XFS,

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta Hay’adaha Federaalka iyo Dowlad-goboleedka Galmudug.

Shirka ayaa sidoo kale lagu dhageystay warbixinno ku saabsan doorashooyinka, xaaladda amniga dalka, iyo wax ka qabaahada abaaraha ka jira Galmudug.