Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Sheekh shariif oo ka wada hadlay Arimaha Doorashooyinka Dalka.

16

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlawe Xuseen , ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed. Kulanka ayaa looga hadlay dardargalinta doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS.

Sheekh Shariif oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inay isla go’aamiyeen isaga iyo Madaxweyne Guudlaawe, sida ay lagama maarmaanka u tahay in lasoo gaba-gabeeyo doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka kahor dhamaadka bisha soo socota ee December.

“Waxaan isla qirnay muhiimada ay leedahay dedejinta iyo daah furnaanta doorashada iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in  ugu dambeyn la soo gabogabeeyo doorashada Xildhibaanada ka hor dhammaadka bisha December ee soo socota.”

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Xoghayaha guud ee Xisbiga Himilo Qaran Mudane Yuusuf Gama’diid iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow ( Ducaale ).