Qaar ka mid ah Ergada dooranaysa xildhibaanada golaha shacabka oo maanta lagu xareynayo Muqdisho.

2

Waxaa maanta lagu wadaa in la xareeyo qaar ka mid ah  oday dhaqanka ee dooran doono 9 kursiga oo la filayo in maalmaha soo socda la qabto doorashada golaha shacabka ee gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Qaban qaabada iyo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee lagu qabanayo doorashada golaha shacabka ayaalaga dareemayaa Muqdisho iyo gobolada dalka.

Shalay ayay aheyd markii Guddiga doorashada Somaliland ay shaaciyeen  in toddobaadkan la qaban doono doorashada 9 kursi oo kamid xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee  Somaliland.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa dhawaan sheegay in doorashada Golaha Shacabka ay si rasmi ah u bilaabmi doonto 16-ka bishaan November, ayada oo 24 December 2021 ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashadaas.