Booliska Gobolka Banaadir oo sheegay inay la socdaan hub lasoo galiyey Muqdisho

4

Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay siweyn u adkeeynayaan Amniga Caasimadda, isla markaana ay joogteeynayaan howlgallada dhanka Amniga ah ee laga fulinayo degmooyinka Gobolka Banaadir.

Taliye kuxigeenka Ciidamada qeybta Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Dhexe Saciid Cali Baryare ayaa sheegay in Amniga Caasimadda oo hagaaga ay danweyn ugu jirto dadka kunool Muqdisho balse hadii ay sii socdaan falalka amni darrada ay dbibaato ku tahay Shacabka kunool Gobolka Banaadir.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Bila ka hor Magaalada Muqdisho uu soo galay hub farabadan ayna yaqaanaan dadka wata, balse uusan faah faahin, wuxuuna ka codsaday in hubkooda ay Guryaha ku heystaan si aan dhibaato amnindarro loogu geysan.

Ugu dambeyn Taliye kuxigeenka Ciidamada qeybta Booliska Gobolka Banaadir Saciid Cali Baryare ayaa ugu baaqay Bulshada kunool Gobolka Banaadir inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga Magaalada Muqdisho.

Warkaan kasoo baxay Taliska qeybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli habeenadii la soo dhaafay Ciidanka Booliska howlgallo amni xaqiijin ah ka wadeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.