Ra’iisul Wasaare Rooble oo loogu bogaadiyay Guusha uu ka gaaray dhammeystirka doorashada Sanatarrada Aqalka Sare.

2

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hambalyeey guusha dhammeystirka doorashada Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey dardar-gelinta doorashada.

Madaxweynaha ayaa xusay sida xilkasnimada ah ee Madaxda Dowlad-goboleedyada dalku ay u guteen waajibaadka Qaranka ee ka saarnayd soo gudbinta musharaxiinta Sanatarrada Aqalka Sare, waxa uuna ku ammaanay Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaannada heer Dowlad-Goboleed gudashada masuuliyadda kaga aadanayd doorashada Sanatarrada Aqalka Sare.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed, Xallinta Khilaafaadka, Guddiga Amniga Doorashooyinka iyo Ciidanka Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sugidda ammaanka goobaha doorashada Aqalka Sare, isaga oo tilmaamay kartida iyo aqoonta dadka Soomaaliyeed ay u leeyihiin qabashada doorasho ka turjumeysa hor u socodka dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey dhammaan 54-ta Sanatar ee loo doortay Aqalka Sare, waxa uuna Alle uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Waajibaadka Qaran ee loo doortay, uuna waafajiyo go’aan kasta oo ku saleysan horumarinta dalka, dadka iyo danaha Soomaaliyeed.