Madaxweynaha Kenya oo gaaray Addis Ababa

7

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Maanta  kusoo dhaweeyay Magaalada Addis Ababa Madaxwaynaha Kenya Uhurre Kenyata.

Imaanshaha Uhurre ee Addis ayaa kusoo beegmaya xilli qalalaase siyaasadeed oo dagaal isu baddelay ka socda deegaamo badan oo Itoobiya kamida kuwaasoo la iskula soo dhawaaday Caasimadda Addis Ababa.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmrd ayaa waxaa la filayaa in Maalinta Berito ah inay u duulaan Magaalada Kampala halkaas oo uu ka furmayo Shir looga hadlayo xaaladaha Itoobiya iyo Suudaan.