Jubbaland oo DFS ku eedeysay inay hortaagan tahay gurmad la gaarsiiyo Gedo

5

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku eedeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya ay geysay Gobolka Gedo inay hortaagan yihiin in gurmad la gaarsiiyo dadka ay abaartu saameysay.

Madaxweyne kuxigeenka oo Wareysi siiyay Idaacadda BBC-da waxaa uu sheegay in dowladda federaalka ay siyaasadeeysay gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen, isla markaana hay’adaha samafalka dhaq dhaqaaq ka sameyn karin degaannada Gobolka Gedo.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in haatan la joogo xilligii loo gurman lahaa dadka ay baartu saameeysay, isaga oo ku baaqay in la kala saaro Arrimaha bini’aadanimada iyo aragti duwanaanshaha Arrimaha Siyaasadda.

Degaano iyo degmooyin kantirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxaa xilligaan kajira abaaro xoogan, iyada oo meelaha qaar ay dad u dhinteen gaajo iyo biyo la’aan.