Ra’iisul Wasaare Abiy Oo Beeniyay In Jabhadda TPLF Ay Kusoo Dhawaatay Addis Ababa

10

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadal hayay madal looga hadalay wararka been abuurka ee ku aadan dagaalka ka socda dalkaas ayaa sheegay in uusan waxbo ka jirin wararka sheegayo in kooxaha fallaagada ay 100 ilaa 200 km u jirsadeen Addis Ababa.

Wuxuu sheegay in wararka beenta ay ‘xusuusiyaan sida Madaxweyne Mangiste uu dalka uga baxay sanadkii 1991 isla markaana cashar laga bartay’

“Annagu laba dal ma lihin. qorshihii Mengistu lagu khal-khal galiyay ee dawladdii xilligaas lagu baddalay, waxaan ka barranay cashir. Waxaan leenahay qorshe cusub la yimaada,naguma qaldi kartaan wixii hore” ayuu yiri Abiy Axmed.