QM oo sheegtay in xaalad nolal xumo ay ka taagan tahay waqooyiga itoobiya

3

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay ee WHO ayaa ka hadashay xaalada cakirsan ee ka taagan gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, iyadoo Hay’adda walaac ka muujiyay xaaladda Caafimaad darro, daryeel xumada & dawo la’aanta ka jirta Gobolka uu kasoo jeedo ee Waqooyiga Itoobiya.

Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka  Dr Tedros Adhanom  ayaa sheegay in xaaladda murugsan ay ka taagan tahay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya kadib dagaallada sokeeye ee muddada sanadka ah ka socda halkaas.

Mar uu Warbaahinta kula hadlay Tedros Magaalada Geneva wuxuu sheegay in xaalad halis ah ay ka jirto Waqooyi Itoobiya, islamarkaana ay kasii dareyso, isagoo xusay in dadka halkaa ku nool ay u geeryoonayaan Gaajo iyo Macluul oo ay udheer tahay biyo la,aan iyo  adeeggii isgaarsiinta gobolka oo hawada ka maqan yahay, iyadoo shacabka aysan heysan wax lacag ah oo ay koronto la’aan yihiin.

Wuxuu xusay in Go’doonkii & Xayiraadii sababta uu u ahaa howlgalka Xukuumadda Abiy Ahmed ee uu ugu magac daray “Sharci soo celinta” in  laga dhaxlay Dawo la’aan, Dadkii oo u dhintay daryeel xumo sida uu sheegay Madaxa WHO.

“Saad iyo dawo uma diri karno Tigray sababtoo ah waxay ku jirtaa go’doomin, go’doomintuna waa mid nidaamsan,” ayuu yidhi. Hadalo aan caadi ahayn oo fagaare ah oo aan caadi ahayn ayuu ku sheegay in xaaladda Itoobiya ay tahay mid aad looga xumaado.

Dowladda Itoobiya ayaa beenisay in ay hor istaagtay gargaarkii ay siin jirtay Tigrayga, waxayna sheegtay in ay dib u dhiseyso kaabayaasha dhaqaalaha.