Wafdi ka socda WFP oo gaaray Baydhabo kulamana bilaabay

24

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Faqi ayaa Maanta kulan la qaatey Wafdi ka Socda Hay’adda Cunada Adduunka ee  Qaramada Midoobey WFP oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo.

Wafdiga ayaa Waxaa horkacyey El-khidir Daloum oo ah Agaasimaha  Cusub ee Hay’adda Cunada  Aduunka WFP Ee Soomaaliya, waxaana Kalanka uu ahaa  Isbarasho , Xoojinta  Wadashaqeynta , Dardar gelinta  Mashaaricda kala Duwan ee Hay’adda WFP ay ka Caawineyso Koonfur Galbeed  2021/ 2022 .

Kulanka waxaa ka qeyb galey  Sanoter Dr Xuseen Maxamed Dahir ,Wasiiro ka Tirsan Koonfur Galbeed ,Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada KGS Cabdullahi Cali Watiin , iyo Qaar ka Mid Ah Agasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha KGS iyo Mas’uuliyiin kale.