Afhayeen u hadlay Booliska Federaalka Jarmalka ayaa sheegay in maanta oo Sabti ah weerar mindi loo adeegsaday lagu qaaday dad saarnaa Tareen isaga kala gooshayay magaalooyinka Regensburg iyo Nuremberg ee gobolka Bavaria ee koofurta Jarmalka.
Sida uu sheegay Afhayeenka Booliska xilliga la weeraray Tareenka ayaa waxuu taagnaa xarunta Tareenada ee Zuipersdorf, weerarka lagu qaaday Tareenka ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo Rakaab ah.
Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa jariidada Jarmalka ee Bild ayaa sheegtay in Sedax qof ay ku dhaawacmeen weerarka.
Lama oga ilaa hadda waxa sababay weerarkan iyo cida fulisay, waxana durbadiiba gobta soo garay Ciidamada Booliska Jarmalka, oo halkaas baaritaano ka waddo.