Wafdi Xal Raadin Ah Oo Gaaray Degaan Ay Ku Sugan Yihiin Hoggaanka Ahlusunna

6

Waxaa Maanta degaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud gaaray wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Ururka 6-aad ee guutada 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Aadan Abshir Nuurre laba Afle oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug..

Taliye laba Afle ayaa waxaa socdaalkiisa degaanka Bohol ku wehlinaayay Xildhibaan Cali Dhoof oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug iyo Ganacsade Xaashi Carabey, iyagoona degaanka u tegay sidii ay kulamo ula qaadan lahayeen hoggaanka sare ee Ahlusunna Waljamaaca.

Jeneraal Abshir Nuurre oo socda dowladda Federaalka ayaa kulamo dhowr ah la qaatay inta uu ku sugnaa Dhuusamareeb Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeed, isagoona kala hadlay sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya Galmudug iyo Ahlusunna.

Taliyaha Ciidanka Ururka 6-aad ee guutada 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa la filayaa in kulamo kala duwan uu la yeesho Sheekh Maxamed Shaakir iyo Mas’uuliyiin kale oo ku sugan degaanka Bohol, isal markaana kala hadli doona xal gaarista khilaafka jira.

Warar la helayo ayaa sheegaya in kulamada ka dhacaya degaanka Bohol looga arrisan doono sidii wadahadal loogu dhammeyn lahaa tabashooyinka ay qabaan Ahlusunna, kadib dagaaladii khasaaraha badan dhaliyey ee dhawaan ka dhacay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Degaanka Bohol ayaa waxaa ku sugan Sheekh Maxamed Shaakir iyo Ciidankii Ahlusunna Waljamaaca ee isaga baxay Guriceel, iyagoona degaankaas Saldhigtay, waxaana la filayaa in kulamada ay noqdaan kuwo natiijooyin kasoo baxa.