Dowladda Soomaaliya oo dalka ka cayrisay Ku xigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya

5

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay Ku igeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo inuu dalka uga baxo muddo todobo cisho ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku guda jiro howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo Istiraatiijiyadda Amniga.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa Persona Non-grata loogu jaray oo ah nin aan dalka laga rabin.

Simon Mulongo oo kasoo jeedda dalka Uganda ayaa ka mid ah xubnaha Midowga ee ka howlgalla Soomaaliya.

Waxyaabaha keenay in dalka laga cayriyo waxaa ka qeyb ka ah qorshaha ciidanka AMISOM ee Soomaaliya oo bilihii lasoo dhaafay muran ka taagnaa joogitaankooda Soomaaliya.