Guddoomiyah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray Garoowe.

2

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya Maxamed Xasan Cirro iyo xubno kamid ah Guddiga oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Guddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka safarkooda Garoowe uu yahay dardar gelinta howlaha doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa tilmaamay in mudada ay Garoowe joogaan ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan mas’uuliyiinta u sarraysa Puntland iyo xubnaha guddiga doorashooyinka heer Puntland.