Koonfur Galbeed oo war kasoo saartay Abaaraha ka jira deeganadeeda

2

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyin Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS) ayaa war saxaafadeed ka soo saartay xaaladda arrimaha bani’aadanimada ee deegaanada (KGS).

Wasaaradda aay sheegtay in Xaaladda Nolosha dadka aay sii adkaaneeyso.

Warbixinta Wasaaradda ayaa hoosta ka xariiqday in Qiimaha cuntada daruuriga sare u kacay, kuna yaraaday suuqyo badan oo ka mid ah degmooyinka hoos yimaada Dowlad Goboleedka KGS.

Warbixintii u dambeysay ee aay soo saartay Hayadda FSNAU ayaa lagu sheegay in tirada dadka u baahan gargaarka ee ku nool deegaanada KGS aay sii kordhayaan.

Xaalad biyo yaraan ayaa saameysay deegaano badan oo ka mid ah KGS. Biyo yaraantaas ayaa saameysay nolosha dadka iyo xoolaha nool.

Ugu dambeyn, warbixinta wasaaradda ayaa ku baaqday in la dardargeliyo adeegyada daruuriga ah ee aay u baahan dadka Soomaaliyeed, si degdeg ahna looga jawaabo xaaladan adag.