Dagaalo ka dhacay degaano ka tirsan Jubbada Hoose

4

Dagaalada oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa ay ka kala dhaceen degaannada Kulbiyow iyo Taabto oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Dagaalada ayaa waxaa ay ka dambeeyeen kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhigyada Ciidamada Kenya ee katirsan AMISOM kueeyihiin degaannada Taabta & Kulbiyow, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la iaku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka kunool degaannada Taabta iyo  Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Sidoo kale dadka waxaa ay sheegeen inay casbi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqdin qabeen inay waxyeelo kasoo gaartao dagaalka.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Jubbada Hoose wax faah faahin kama bixin weeraradaas, hayeeshee dhowr jeer ayay Al-Shabaab weerareen Saldhigyada Ciidamada Kenya ee Gobolka Jubbada Hoose.