Sidee Urur-Siyaasadeedyadu Ugu Kala Guuleysteen Doorashadii Ka Dhacday Puntland?

11

Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland, Guuleed Saalax Barre, ayaa ku dhawaaqey natiijada doorashada Golaha Deeganka ee degmada Qardho ee Puntland.

Doorashadan ayaa loo dareerey 25-kii bishan October, oo ku beegneyd maalintii shaley, taasoo dadka degmada Qardho u aheyd waa cusub,iyo himilo u dhabawdey.

Waxaa soo gudbiyey liiska murashaxiinta ee Qardho ee golaha deegaanka toddobo urur siyaasadeed. Kuwaasoo kamid ah ururada siyaasadda ee maamulka Puntland.

Goobaha codadka laga kala dhiibtey waxey kala ahaayeen Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Tirada codadka guud ee degmada Qardho ka codeysay waa 16,723 codbixiye. Tirada codadka ansaxey waa 15,344. Tirada codadka qaldamey waa 1,379.

Wadarta codadka iyo kuraasta ay kala heleen ururada siyaasadda, waxey kala yihiin: –

1-Urur siyaasadeedka Runta iyo Caddaaladda: Wuxuu helay 85 cod, wax kuraas ahna kuma guuleysan.

2-Urur siyaasadeedka Shaqaalaha Xoogsatada ah: Wuxuu helay 29 cod, wax kuraas ahna kuma guuleysan

3-Urur siyaasadeedka caddaaladda iyo sinnaanta: Wuxuu helay 4,197 cod, oo u dhiganta 9 kursi

4-Urur siyaasadeedka Kaah, wuxuu helay 5,469 cod, oo u dhiganta 12 kursi

5-Urur siyaasadeedka Mideeye 5,173 cod, oo u dhiganta 11 kursi

6-Urur siyaasadeedka Horseed, wuxu helay 150 cod, wax kuraas ahna kuma guuleysan

7-Urur siyaasadeedka Ifiye wuxuu helay 218 cod, oo u dhiganta hal kursi