Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo saaray Amar ku socda Hay’adaha Amniga

12

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta  Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha dekadaha, gaadiidka iyo hay’adaha amniga.

Ra’iisul Wasaaraha  ayaa faray Hay’adaha Amniga in jidadka loo furo caqabadahana laga hor qaado gaadiidka xamuulka ee badeecooyinka geeya kana soo qaada dekadda Muqdisho, si loo fududeeyo ganacsiga, loona horumariyo dhaqaalaha dalka.

Waxaa uu kula dardaarmay mas’uuliyiinta Wasaaradaha dekadaha, gaadiidka iyo hay’adaha amniga inay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda Shaqo bulshadana u adeegaan.

Amarkan kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta  Maxamed Xuseen Rooble ayaa yimid kaidb markii waddooyinka Muqdisho qaarkood ay xireen Gaadiidka xamuulka qaada oo badeecado kala duwan kasoo qaaday dekadda.