Axmed Madoobe oo AMISOM kala hadlay Amniga doorashooyinka

17

Madaxweynaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay taliyaha ciidamada AMISOM  Jeneral Diomede Ndegeya, iyo ku xigeenkiisa maj gen w k Shume, oo booqasho ku tegay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha iyo sarakiishan kasocotay AMISOM ayaa ka wada hadlay howlaha sugida amniga Doorashooyinka iyo sidii si wadajir ah loogu fulin lahaa howlgalada nabadgalyada lagu sugayo.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in si guud loo wajaho Nabadgelyada goobaha ay dhawaan ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland waxaa uu kamid yahay degaannada lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka, waxaana dhawaan uu maamulkaas dhameystiraha doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.