Madaxweynihii Hore Ee Dalka Oo Baaq Deg-Deg Ah Kasoo Saaray Colaada Guriceel

3

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka khasaaraha badan geystay ee maalintii labaad ka socda Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda, kuwa Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna.

Xasan Sheekh oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu marka hore tacsi ugu diray dhammaan Ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday dagaaladii Guriceel, wuxuuna Caafimaad deg deg u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay oo u badan Askar Ciidan.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan, isla markaana waxaa uu tilmaamay in dagaalka uusan xal u aheyn khilaafaadka siyaasadda, uuna abuurayo kala fogaansho hor leh.

“Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Haweenka dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada waa in ay qaataan kaalintooda ku aaddan deminta colaadda. Lama aqbali karo in dhiigga dhallinyaro Soomaaliyeed uu daadanayo, bulshada inteeda kalena daawato” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu intaas kusii daray Qoraalkiisa Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya “Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug”.

In ka badan 25 ruux oo ku jiraan Saraakiil Ciidan ayaa ku geeriyooday dagaaladii ka dhacay Magaalada Guriceel oo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda, kuwa Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna, waxaana ku dhaawacmay 60 qof kale, sida la xaqiijiyay.