Musharax Daahir Geelle oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Guriceel

11

Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa ugu baaqay dadka reer Galmudug in ay joojiyaan dagaalka, islamarkaana ay bilaabaan wadahadal.

Waxaa uu sheegay in ay tahay wax aan la aqbali Karin dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Guriceel, waxaana uu ku celiyay baaqiisii ahaa in mar kale dagaalka la joojiyo oo  laga shaqeeyo nabadda.

Musharax Daahir Geelle ayaa xusay in nasiib daro weyn ay  dhacday , islamarkaana Galmudug maanta aysan u baahneyn dagaal ee ay u baahan tahay wadahal.

“Waxaan mar kale ku celinayaa baaqayga ahaa in arrinta Galmudug wadahadal nabadeed lagu dhameeyo, waana in dagaalka si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo. Dagaal sokeeye xal ma aha” ayuu yiri Daahir.

Saraakiil muhiim ahaa oo ka tirsanaa ciidanka maamulka Galmudug ayaa ku dhintay dagaalka Guriceel ee u dhaxeeya ciidanka Galmudug iyo Ururka Ahlusunna.