Madaafiic lagu weeraray Saldhig kuyaal Shabeellaha Hoos

7

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii hore waxaa ay weerar madaaciic ah lu qaadeen Sadlhig Ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacay xerada Ciidamada Dowladda ee degaanka ka Bariire iyo duleedkeeda, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Dowladda dhankooda ay weerarka madaafiicda uga jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Bariire ayaa  waxaa ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid degan marka laga soo tago dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan  Ciidamada dowladda kaas oo ku saabsan mid amniga lagu xaqiininayo.