RW Rooble oo war ka soo saaray falkii Al-Shabaab ku gubeen Raashinka iyo Gaari-dameerada

6

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay falkii ay Al-Shabaab ku gubeen Dameero iyo raashinkii saarnaa oo ku sii jeeday degmada Waajid ee gobolka Sool.

Rooble oo qoraal ku daabacay boggiisa Facebook ayaa waxaa uu ku yiri:

“Waxaan cambaareynayaa aadna uga xumahay falka arxan darrada iyo burcadnimada ah ee argagixisada Alshabaab ku gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool” ayuu yiri Rooble.

Waxay tani tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale.

Waxaan ammaanayaa Ciidammada Xoogga ee u gurmaday dhibbaneyaasha. Waxaa nala gudboon in aan meel uga soo wada jeesanno cadowgan nolosha u diiddan dadkeenna”