RW Rooble oo ka hadlay Abaaraha ka jira Jubbaland

2

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay abaaraha ka taagan deegaanada maamulka Jubbaland ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab siiyaan dadka ay saameysay abaarta.

Rooble ayaa sheegay in ay dowladda billaawday qorsheyaal ku aadan sidii loo badbaadin lahaa shacabka ay abaartu hala keysay, isla markaasna deg deg loogu gurman doono.

“Xaqiiqdii dhowaaqa na soo gaaraya aad ayuu u sarreeyaa, sidaas darteen waxaan go’aansanay in aan billowno sidii aan uga qeyb-qaadan laheyn badbaadinta shacabkaas Soomaaliyeed oo ku tabaaleysan deegaanada hoostaga Jubbaland” ayuu yiri RW Rooble

Sidoo kale waxaa uu baaq u diray beesha caalamka, gaar ahaan hay’addaha gargaarka ee ka howl-gala dalka, si ay uga qeyb qaataan sidii loo caawin lahaa bulshada la dhibaateysan abaarta ku baahday gobolada Gedo iyo qeybo kamid ah Jubbooyinka.