Guddiga doorashooyinka oo Ra’iisul wasaaraha kala hadlay dardargalinta doorashada

3

Xubno kamid ah Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha GHDHF. Maxamed Xasan Cirro ayaa maanta kulan layeeshay Raysalwasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble .

Kulanka ayaa looga wada hadlay Dhamaystirka Doorashada Aqalka sare oo gabagabo ah iyo Dardar-gelinta Doorashada Gollaha shacabka oo dhawaan lafilayo inay bilaabato .

Rasulwasaraha XFS ayaa gudiga ku bogaadiyay shaqada ay qaranka uhaayaan , waxayna hoosta kawada xariiqeen in Jadwalka iyo Xareeynta ergada dagdag loo guda-galo  si  Doorashada golaha Shacabku ay u bilaamanto.