Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Jubbaland oo shaaciyay xili ay dhaceyso doorashada Kuraasta ka harsaneyd Aqalka Sare

37

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer maamul goboleed ee Jubbaland ayaa shaaciyay xiliga la qabanaayo doorashada afarta kursi ee ka harsaneyd doorashada kuraasta Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa sheegay in maalinta berito ah la diiwaan gelin doono Musharaxiinta, islamarkaana maalinta Khamiista ah ay dhici doonto doorashada afarta kursi ee ka harsan kuraasta Aqalka sare xubnaha uga mid noqonaya Jubbaland Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Doorashada afartaan kursi hadii todobaadkaan maamulka Jubbaland uu soo dhameystiro waxaa hari doonta kaliya laba kursi oo ka harsan kuraasta Aqalka sare ee deegaan doorashadooda tahay Maamulka Galmudug, kaasoo isna la filaayo inuu dhawaan doorto labada kursi ee uga haray Aqalka Sare si loo bilaabo doorashada Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Dhawaan ayay aheyd markii Raysal wasaaaraha Soomaaliya uu shaaciyay in todobaadka soo socda ay bilaaban doonto doorashada Golaha Shacabka, isagoona ugu baaqay maamulada dalka iney soo dhameystiraan doorashada kuraasta ka harsan Aqalka sare, islamarkaana ay dardar geliyaaan qabsoomida doorashooyinka Aqalka Hoose.