Dr. C/wahaab Sh C/samad oo Kahadlay Arimaha Itoobiya Burburna Kutilmaamay.

41

Dr Cabdiwahaab Sh Cabdisamad oo ah aqoonyahan kafaalooda arimaha Africa iyo wadamada carabta ayaa sheegay in ay Itoobiya meel halis ah marayso isla markaana ay cagta saartay wadadii Somalia wax nidaam iyo kala dambayn ahna ayna kajirin.

Dr Cabdiwahaab oo lahadlayay laanta af-soomaaliga ee ideecada BBC-da ayaa sheegay in kacdoonka xukuumada Itoobiya lagaga soo horjeedo uu biloowday kadib cadaadis dhankasta ah oo shacabka lasaaray isagoo xusay in ayna shacabka Itoobiyaanka ah haysanin wax xoriyad ah oo dhinaca hadalka, ganacsiga iyo adeegyada kale ah, Sidoo kale Dr Cabdiwahaab ayaa xusay in ay qoomiyadaha wadanka ugu badan sida Oromada, Xabashida iyo soomaalidu tirsanayaan cadaadis xoogan iyagoo sida uu xusay laga ilaaliyo awooda wadanka.

Sidoo kale aqoonyahanka oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay in awooda wadanka 95% ay gacanta kuhayso qoomiyada Tigree halka ilaha dhaqaalahana ay iyagu maamulaan, Sidoo kale Dr Cabdi Wahaab ayaa xusay in ay xabsiyada wadankaas dad la ciir ciirayaan qaar badana la dilay.

Mar lawaydiiyay saamaynta burburka Itoobiya uu soomaaliya kuyeelan karo ayuu Dr Cabdiwahaab sheegay in ay saamayn wayn kuyeelan doonto wuxuuna sheegay in hadii 90 Milyan oo hubaysan ay burburaan ay sixoog ah kudagi karaan wadanka Soomaaliya ee aan dowlada lahayn.

Sikastaba ha ahaatee aqoon yahankan ayaa xaalada gumaysiga Itoobiya ku macneeyay wadan kala dhaqaaqay isla markaana ay macquul tahay in uu dagaal gudihiisa ah kabilowdo maadaama oo qoomiyaduhu ay aad col uyihiin.