Jubbaland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay xubno ka tirsan Al-shabaab

26

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland ( JISA) ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka wada gudaha magaalada Kismaayo kuwaas oo lagu beegsanayo xubno kamid ah dagaalameyaasha Al-shabaab ee ku sugan magaalada iyo nawaaxigeeda.

Howlgalladan ayaa ka socdey walina ka socda dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo kuwaas lagu qabqabtey xubno kamid ah dagaalameyaasha Al-shabaab,.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Nabad sugida ee maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in ay ku raad joogaan xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab.

“Dhawaan waxaan bulshada la wadaagi doonaa warbixintooda oo dhameystiran iyo shaqooyinkii lidka ku ahaa amniga dadka iyo dalka ee ay ku howlanaayeen.Dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna ku garab istaagaan howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga ku dhex dhuumaaleysanaya magaalada”. ayaa lagu yiri qoraalka Nabad sugida Maamulka Jubbaland.