Xaalad cabsi ah oo ka jirto Guriceel iyo Inta badan goobihii ganacsiga oo xiran.

34

Wararka ka imaanaya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay ilaa hadda halkaasi ay ka jirto xaalad kacsanaan ah iyo dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ciidanka Dowladda iyo Kwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Ciidanka Ahlu Sunna oo ku sugan daafaha iyo duleedka degmadaasi.

Baqdin xoogan ayee muujinayaan dadka deegaanka kaas oo ku aadan in dhinacyads ay ku dul dagaalamaan, iyadoo taasi keentay in qoysas badan ay isaga barakacaan gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa inta badan xiran goobaha ganacsiga ee Guriceel, waxayna ganacsatada dhankooda walaac ka muujinayaan xaaladaha cakirnaanta ah ee ka taagan halkaasi.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa inay difaacyo horleh ka sameysteen duleedka magaalada, iyaga oo haatan bilaabay abaabul ciidan oo culus.

Dhanka kale ciidamada Galmudug oo kaashanaya iyo kuwa dowladda ayaa ku sugan inta u dhexeysa Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyaga oo qorshahoodu yahay inay weeraraan Ahlu Sunna.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinaca oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyada haatan ka socda gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Waxaa isa sootarayo Baaqyada kala duwan ee loo dirayo Galmudug iyo Ahlu Sunna, iyadoo laga dalbaday inay wax weliba ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka.

Si kastabam dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna ayaa weji kale u yeeshay xaaladda Galmudug oo horay dagaal ugula jirtay kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan maamulkaasi.