MW Farmaajo iyo RW Rooble oo kulamo gaar gaar ah la qaateen Guddiga DFS ee kiiska baddeena.

45

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu Dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Guddiga Soomaaliya ee Kiiska Baddeena ayaa ku bogaadiyey doorka taariikhiga ah ee ay ka qaataan qadiyaddan Qaran iyo sida jiilasha soo socda ay tusaalaha ugu noqdaan dhanka difaaca Qarankeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guusha kiiska badda ay muujisay kobaca dareenka wadaniyadeed iyo midnimo ee shacabka Soomaaliyeed, isaga oo Guddiga uga warbixiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay u xuseen guushan taariikhiga ah iyo damaashaadka ay ka dhigeen dal iyo dibadba.

“Waxuu ahaa halgan caddaaladeed oo ku astaysan aragti fog, aqoon durugsan, dhiiranaan, waddaniyad, ilaalinta ammaanada ummadda iyo difaaca dadka iyo dalka. Waxa guulaystay halgan dheer oo aannu u galnay difaaca ciiddeenna iyo sarreynta calankeenna.”

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddiga ayaa wadajir ugu duceeyey, Alle ha u naxariistee, Eng Maxamed Cumar Saalixi oo uu hammigiisu ahaa inuu goobjoog u ahaado miraha dadaalkii uu galiyay kiiskan, isaga oo ammaan iyo mahadcelin u soo jeediyey Qareennadii iyo khubarradii Soomaaliyeed ee u istaagay difaaca baddeenna oo ay ugu horreeyaan Drs. Muna Sharmaan.

Kulanka waxaa ku weheliyey Madaxweynaha, Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed iyo Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyay ergadii Dowladda Soomaaliya ku matalayay kiiska baddeenna.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ugu hambalyeey shaqadii wanaagsaneyd iyo guushii ay qaranka u soo hooyeen.

Wafdigii Dowladda Federaalka uga qeyb galay go’aankii Maxkamadda caddaalada Aduunka ee ICJ oo uu hoggaaminayay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaraadaha Aada. cadde ee magaalada Muqdisho.

Todobaadkii lasoo dhaafay Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ ayaa go,aan ka gaartay kiiska Muranka badda ee u dhaxeeyay Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo Maxkamada ay Soomaaliya u xukmisay kiiska intiisa badnaa, waxaana xukunka maxkamada ka hadlay Madaxweynha Kenya isagoo sheegay in xukunka maxkmada uu sii kala fogeenayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.