Xafiiska Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ee Dowlad Goboleedka Galmudug ahna Duqa caasimada Abdirahman Geedaqorow wareegto kasoo baxday ayaa maanta xilkii looga qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii deegaanka Mareergur ee Galmudug.
Guddoomiye ku-xigeenka xilka laga qaaday ayaa lagu magacaabaa Cabudllahi Cali xalane kaas oo hore si cad u sheegay inuu ku biiray Garabka Ahlusunna, kuwaas oo dhawaan la wareegay Deegaano ka Tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug. iyadoo hadda ay weerar ku yihiin Madaxda Galmudug.