DEG-DEG:- Faah-faahin qarax ka dhacay Beledweyne iyo Masuuliyiin ku dhintay

66

Faaf-faahino ayaa kasoo baxaya Qarax goordhow ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kaas oo geestay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawax islamarkaana uu soo gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka goboleedka HirShabeelle.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa nuuca uu ahaa, balse wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso, iyadoo uu qaraxa ka dhacay Saldhigga Ciidanka Booliska Magaalada Beledweyne.

Dhimashada qaraxa ayaa ah inta la xaqiijiyay laba ruux oo kala ah Duqii degmada Feer-feer Soomaaliya Khaliif Muumin Garaad iyo Haweeney Maqaayad laheyd, ayaa ku dhintay qaraxa.

Sidoo kale Guddoomiyahii Degmada Feerfeer ee Soomaaliya Mahad Maxamed Xasan, Taliyaha Saldhiga Booliiska Degmada Beledweyne Laba xidigle Maxamed Maxamuud Qoorshee & Askar kale ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacmen qaraxa, iyadoo Ciodamada ammaanka ay bilaabeen qaraxa kadib iney xiraan goobta iyo baaris ku aadan cidii ka dambeesay qaraxa.

Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa ah Saldhiga Ciidanka Booliska ee magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaa ayaana ah goob si weyn amnigeed loo sugo, iyadoo weli maamulka iyo kan degmada uu wax war kasoo bixin oo ku aadan qaraxa miino.